
Dowladda Puntland ayaa xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo loo haysto in ay sii daayeen rag ku eedaysan Burcad-badeed.
Laamaha Amniga Puntland ayaa xabsiga dhigay; Guddoomiyihii Maxkamadda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cabdiraxmaan Fool-jaawe.
Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Derejada koowaad ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool Mr.Keenadiid, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha maxkamaddaasi, Mr.Qoolle iyo laba garsooe oo la kala yidhaahdo, Cali Sahal iyo Cabdiweli Xuseen.
Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegey in madaxtooyadu u haysato sii deynta rag ku eedeysnaa Burcad-badeed oo ay wax denbi ah ku-waayeen.
Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland oo ku foogan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ayaa la sheegey in uu ku howllan yahay xuquuq helista mas’uuliyiinta la xirxiray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.