
Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu dalkaasi Norway ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Norway uu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
“Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal”.
“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.