Madaxweynaha Galmudug oo guddi wasiiro ah u magacaabay xal u helidda dagaal beeleedka Galgaduud

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha wada dega inta u dhaxaysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Guddigaasi oo  ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amniga, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, Gargaarka iyo Warfaafinta.

Waxa hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug la faray in ay la shaqeyna xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta degaanada Caabudwaaq iyo Xeraal waqooyiga Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST