Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Cali Cabdi Awaare

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaiya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Qoraal ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa lagu sheegay in Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta uu Safiir Cali Cabdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

“Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali Cabdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda.

“Danjire Cali Abdi Awaare ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya” ayay sii raacisay Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Dhinaca kale war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Masar ayaa lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-July diyaaradda Egypt Air duullimaadyo ka bilaabi doonto Soomaaliya.

Shirkadda diyaaradaha Egypt Air ee dalka Masar ayaa jadwalkeeda hordhaca ah lagu qorsheeyay in ay todobaadkii labo jeer duulimaadyo ku gaarto magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST