
Ciidamada Maraykanka ayaa gudaha Yemen ku burburiyey afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn iyo laba gantaal oo an nooca loo adeegsado weerarada maraakiibta.
Goobta lagu burburiyey saanaddan milateri ayaa ka mida, degaanada gacanta ugu jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iran.
Xuutiyiinta ayaa beryahan ugu dambeeyeyba bartilmaameedsanayey gaadiidka badda ee maraya marin biyoodka badda cas iyo gacanka cadmeed, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.
Weerarada Xuutiyiinta ayaa halis weyn ku keenay ammaanka marin biyoodkan caalamiga ah, waxaana taasi ay keentay in Maraykanka iyo Ingiriisku inay qaadaan weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.