
Dagaal aad u xooggan ayaa lagu soo warramaya in uu saaka ka dhacay degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan bilowday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab aroornimadii hore ee saaka weerareen saldhigyo ciidamada dowladda iyo macawisleey ku lahaayeen Ceeldheer.
Kooxda Al-shabaab ayaa cagmarin ku tilmaantay weerarka ay ku qaadday magaalada Ceeldheer waxaana ay sheegtay in ay soo afjartay 4 saldhig ciidan islamarkaana la wareegtay gacan ku-haynta degaankaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaasi iyo sheegashada maleeshiyaadka Shabaab, mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarka.
Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda degaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday degmada Ceeldheer bishii Janaayo 2023-kii.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.