Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed xooggan maanta ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedkaasi oo ka dhacay degaanka Laandheer oo u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’u-diinka in ay isu taagaan sidii deg deg loogu joojin lahaa dagaalka beeleedkaasi.

Bayaanka ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta Galmudug u soo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan xal u helidda colaadda beelahaasi ku dagaallamaya gobolka Galgaduud waxaana wasaaraddu xustay in ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu baajin karo dagaalka.

Halkan ka akhriso baaqa nabadeed ee dowladda

PUNTLAND POST