
Wargeyska Wall Street Journal , ayaa ku warramay hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, Yaxye Sinwar , in uu ku wargeliyay dhex-dhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar shardi ku xiran soo jeedinta Biden ee heshiiska xabbad-joojin.
hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa Waxa uu sheegay kaliya inay aqbalayaan heshiis dammaanad leh oo ay Israa’iil ay ku ballanqaadayso inay dagaalka soo afjarayso.
Waxa kale ee xiisada leh oo warbixintan lagu soo bandhigay ayaa ah in uu Sinwar sheegay in aysan marna Al Qasaam hubka ka tanaasuli doonin heshiis kasta oo la gaaro.
Horey , madaxa siyaasadda Xamaas , Ismaaciil Haniya ayaa u sheegay haddii la dhiso dawladda Falastiin , inay hubka dhigi doonaan Al Qasaam, iyagoo u dhaqmaya xisbi siyaasadeed u tartama hoggaanka Falastiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.