Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu hambalyeysay ku biirista Golaha Ammaanka

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya ugu hambalyeysay ku biirista Golaha Ammaanka oo ay ka noqotay xubin aan joogta ahayn.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa loogu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya xubin ka noqoshada Golaha Ammaanka.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga”.

“Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu bayaanku ka soo xigtay ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya James Swan.

 “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu sii raaciyay. 

Soomaaliya in ay Golaha Ammaanka QM xubin ka noqoto waxaa ugu dameysay 1970-1972.