
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaanib ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan Daacish kuwaas oo ka soo jeeda dalka Tanzania.
Taliska PSF ayaa tilmaamay in labada xubnood oo ka badbaaday duqayn 31 May ka dhacday buuraha Calmis haddana laga soo qabtay meel 30KM u jirta goobtii la duqeeyay.
Magacyada xubnaha la qabtay ayay PSF ku sheegtay Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Naasoor Saciiddi oo da’doodu tahay 25 sanno jirro.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.