Dalkii u horreeyay ee Yurub ah oo ku biiraya dalalka kiiska dacwadda xasuuq ka gudbiyay Israa’iil

Spain ayaa ku dhawaaqday inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey in ay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Israa’iil in ay xasuuq ka geysatay marinka Gaza.

“Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12 waddan oo kale.

Koonfur Afrika ayaa dacwadda ka dhanka ah Israa’iil horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore.

Israa’iil ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka falcelinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 7-deedii.

Spain, iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140 waddan.

PUNTLAND POST