
Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartami doonin kursiga wadamada Afrika.
Soomaaliya ayaa ah dalka matalaya Qaarada Afrika, mana jiro dal kale oo Afrika ka socda oo tartanka la galaya, waxaana ay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.
Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.
Inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June ayaa la qorsheeyay in codbixinta la qaado.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.