Iska hor-imaad Boosaaso ku dhexmaray Ciidanka PSF iyo Booliska Puntland

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Iska hor-imaadkaasi khasaaraha sababay ayaa saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Booliska iyo ciidan ka tirsan PSF sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca labada ciidan uu salka ku hayo muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu soo xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso.

Faahfaahin intaasi dheer lagama hayo wararka ku saabsan iska hor-imaadka labada dhinac islamarkaana Booliska iyo ciidanka PSF midna weli kama hadlin dhacdadaasi.

PUNTLAND POST