Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isaga baxay degaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellada dhexe

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka gebi ahaanba isaga baxay degaanka Xawaadleey oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan maleeshiyaad u dhashay degaanka ayaa sida wararku sheegayaan saaka isaga baxay degaanka Xawaadley oo sannadkii hore laga saaray kooxda Al-shabaab.

Ilo wareedyo ku sugan degaanka Xawaadley ayaa laga soo xigtay in ciidamada dowladda iyo maleeshiya-beeleedyada la socday ay guud ahaan banneeyeen degaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab soo buux dhaafiyeen tuulooyinka hoos yimaada degaanka Xawaadley oo dhaca jiinka webiga Shabeelle islamarkaana ku yaalla dhul istiraatiiji ah.

PUNTLAND POST