Ciidan la magac-baxay Xasilinta oo xalay hawlgal ka bilaabay magaalada Garoowe

Ciidan ka kooban Laamaha Amniga Puntland oo loo bixiyay Ciidanka Xasilinta ayaa xalay hawlgal amni ka bilaabay magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in hawlgalkaasi xalay lagu qabtay lix kartoon oo maandooriyaha Khamriga ah iyo raggii watay.

Qoraalka Taliska Booliska ayay sidoo kale ku sheegeen in lixdaasi kortoon oo Khamriga ah xalay lagu soo qabtay xaafad ka tirsan Garoowe oo markaasi la geeyay.

“Ciidanka  oo la socday xogta maandooriyahan ayaa ku qabtay midkamida xaafadaha magaaladda oo markaa lageeyay” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Marduuf ayaa sida qoraalku tilmaamay u mahadceliyay ciidamadii howlgalka fuliyay iyo bulshadii xog bixiyaasha ahaa.

PUNTLAND POST