Ciidanka PSF oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen shakhsiyaad lagu tuhmayo Daacish

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliska Ciidanka PSF ayaa warbixintaasi ku sheegay in ay hawlgal qorshaysan oo lagu sugayo amniga ka fuliyeen xaafadaha Boosaaso kaasi oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish ee cabsi-gelinta iyo hanjabaadda ku haya xarumaha ganacsiga Boosaaso.

Taliska PSF ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in hawlgalkaasi ay ku qabteen saddex xubnood oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish gaar ahaanna shakhsiyaadka kooxda u qaabilsan cabsi gelinta iyo hanjabaadda ganacsatada Boosaaso.

Warbixinta PSF waxay intaasi raacisay in baaritaan lagu samaynayo shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee ku eedaysan argagixisada Daacish islamarkaana sharciga lala tiigsan doono haddii ay ku caddaato in ay ka tirsan yihiin kooxahaasi nabad-diidka ah.

PUNTLAND POST