Soomaaliya oo taageero Amni weydiisatay dowladda Turkiga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh Soomaaliya.

PUNTLAND POST