
Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad uu isu diiwaangeliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii hore.
Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa markii ugu horreysay loo doortay Madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii sannadkii 2013kii.
Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadi 2017, sanad ka dib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uu uga digay in ka qeygalist doorashada “aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”.
Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labadooda kadib markii Axmadinejad uu si cad ugu dooday in la hubiyo awooda ugu dambaysa ee Khamenei.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.