
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khadka Taleefonka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida gobolka iyo taageerada Maraykanka ee dagaalka ka dhanka argagixisada.
“Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Mudane Antony Blinken ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida gobolka iyo taageerada Maraykanka ee dagaalka ka dhanka argagixisada” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.