Dowladda Maraykanka oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Gobolka Bari ee Puntland

Dowladda Maraykanka ayaa war ka soo saartay duqayn cusub oo ay ku beegsatay maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Taliska Millatariga Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa looga hadlay hawlgalkaasi.

Qoraalka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaasi ay ka dhacday nawaaxiga degaanka Dhaadaar oo qiyaastii 81KM dhanka Koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Millatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayntaasi oo dhacday Jimcihii 31 May lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish islamarkaana aysan jirin rayid wax ku noqday hawlgalkaasi.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la ah, si ay u soo qabtaan ISIS” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

PUNTLAND POST