Dowladda federaalka oo markale sheegatay howlgal ka dhacay Puntland

Labo duqeymood oo dhanka cirka ah ayaa aroortii hore ee subaxnimadii jamcaha lala beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen deegaannada Afcad iyo Sheebaab oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidanka qaranka oo garab ka helaya Mareykanka, ayna dib ka faahfaahin doonto khasaaraha loo gaystay kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kooban oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Puntland Post ayaa ogaatay in ciidanka Soomaalida ah ee ka qaybqaatay howlgalka ka dhacay buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari ay yihiin ciidamada PSF ee fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso, iyadoo dowladda Puntland-na aysan weli ka hadlin howlgalkaas.

Waa markii labaad oo maalmo gudahood ay dowladda federaalku sheegato howlgal ka dhacay deegaannada Puntland, 26-kii May ayay sheegtay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka in lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Al-shabaab ku la haayeen buuraha Calmadow.

PUNTLAND POST