
Ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA.
Magacyada xubnahaasi ayaa lagu sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen waxaana ay iska soo dhiibeen magaalada Baydhaba.
Xubnahaan ayaa sheegay in ay ku dhuumaaleysan jireen gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystayna waxaa laga soo xigtay in ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Al-shabaab ku wajaheyso duurka.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore cusboonaysiisay baaqa ay u jeedinayso xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii horey loogu sameeyey.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.