
Waxaa maanta guud ahaan deeganada Puntland soo gabagaboobay imtixaanka shahaadig ah ee dugsiyada sare iyo dhexe, kaas oo muddo 6 cisho ah soconayey, waxaana maanta uu u soo dhaaaday dugsiga sare.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntand Fu’aad Abshir Adeer oo ku sugan Garoowe ayaa si rasmi ah u soo xiray imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu guul u rajeeyey ardayda sanadkaan dhameeyey waxbashada dugsiga sare.
Imtixaanka oo ka dhacay guud ahaan goboladda Puntland ayaa isugu jira fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, waxaana sanadkaan guud ahaan u fariistay Imtixaanka 21,801 arday.
Dugsiga sare ayaana waxaa imtixaanka u fariistay 7,562 arday sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Fu’aad Abshir Adeer.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.