Mareykanka oo iska fogeeyay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee Puntland

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in uusan ku lug la hayn howlgal dowladda Soomaaliya sheegtay in uu ka dhacay buuraha Calmadow ee Puntland.

Taliska AFRICOM ayaa warkan ugu sheegay farriin qoraal ah idaacada codka Mareykanka ee VOA oo wax ka weydiisay howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka dhacay buuraha Calmadow.

Wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa 26-kii bishan sheegtay in howlgal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Al-shabaab isku aruursanayeen oo ku taalla buuraha Calmadow ee Puntland.

Balse maalintii xigtay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal ka fuliyay Puntland.

Puntland ma xaqiijin jiritaanka ama jiritaan la’aanta howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay buuraha Calmadow, balse warar madax bannaan ayaa sheegay in la maqlay qaraxyo.

Mareykanka oo kaliya ayaa markii hore dowladda Soomaaliya ka taageeri jiray howlgallada dhanka cirka ah ee lagu dagaalamo Al-shabaab, balse tan iyo dhammaadkii sanadkii hore waxaa ku soo biiray Turkiga, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, hadana ah wasiirka arrimaha dibada Axmed Macallin Fiqi oo bishii September ee sanadkii hore wareysi siiyay telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dagaalka cirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab ay ku soo biireen diyaaradaha Turkiga oo isku jira kuwo sirdoon iyo kuwo duqeyn intaba.

PUNTLAND POST