Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ku baaqay in la soo afjaro weerarrada lagu hayo maraakiibta mara badda cas, kaddib kulan uu magaalada Beijing kula qaatay dhiggiisa Yemen.
Shiinaha ayaa horay ugu baaqay in degenaansho lagu soo celiyo biyaha ku xeeran Yemen, halkaa soo Xuutiyiinta ay tan iyo bishii November ee sanadkii hore bartilmaameedsanayeen maraakiibta ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed si ay ugu cadaadiyaan xulafada Israa’iil dagaalka ka socda Qasa.
Bishii Maarso, Bloomberg ayaa sheegtay in kooxda Xuutiyiinta ay dammaanad qaadeen badqabka maraakiibta Ruushka iyo Shiinaha ee gobolka.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerarayaan maraakiibta maraya badda cas iyo badweynta Hindiya ee u socda Israa’iil, iyagoo shalay weeraro ku qaaday maraakiib shixnado ganacsi iyo military oo ay leeyihiin Israa’iil iyo Maraynkanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.