Imtixaanka fasalka 8-aad ee Puntland oo soo gabagaboobay

Imtixaanka shahaadiga ah fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa maanta soo gabagaboobay, kaddib afar maalmood oo uu ka socday deegaanada Puntland.

In ka badan 14000 (afar iyo toban kun) oo arday ayaa u fariistay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe Puntland, halka fasalada 4-aad ee dugsiyada sare uu wali socdo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Fu’aad Abshir Adeer oo ka hadlay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay inuu soo xirmay imtixaanka shahaadiga ah fasalka 8-aad ee Puntland.

Wasiir Fu’aad ayaa sheegay in aysan wax caqabad ah aysan la kulmin ardaydu mudadii uu imtixaanku socday, isagoona guul u rajeeyey.

PUNTLAND POST