Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Kenya ee ah in Shabaab ay dalka qabsanayaan hadii ciidanka ATMIS la saaro xili uu booqasho ku joogo dalka Mareykanka.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimahada Dibadda ee Soomaliya Cali Cumar Balcad, ayaa hadalka Ruto ka falceliyey, kadib farriin uu ku daabacay barta loo yaqaan X ee hore loo odhan jirey Twitter.
“Dhaqdhaqaaqa Soomaaliya aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afgaanistaan. Bixitaanka ciidamada shisheeye ma horseedi doonto xaalad la mid ah taas oo kale. Awoodda aynu saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso xasilloonideeda“ ayuu baahiyey Wasiir Cali Balcad.
Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay doonayso inay ka faa’iidaysato dalalka xasaradaha amni daro ka jiraan si ciidamadda dalkeeda loo geeyo dalalkaas qaab nabad ilaalin ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.