Garoowe (Wararka PP) — Madasha Siyaasadda Puntland ayay shirar foogaan-arag ah u socdaan dhowr bilood kaddib dorashadii Puntland qabsoontay 8 Janaayo 2024. Ujeeddada ugu muhiimsan shirarka laga leeyahay waxaa ka mid ah dib u habaynta Madasha xilli xubnaheedii qaarkood ku biireen dowladda Puntland.
Waxay kale oo xubnaha Madashu ka arrinsanayaan kaalinta Madashu ka qaadanayso toosinta iyo la xisaabtanka maamulka Puntland dhinacyda maamul wanaagga iyo xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka. Dowladda Puntland waxay diyaarinaysaa doorasho loo qabto seddex degmo aan ka qeybgalin Doorashooyinkii degmooyinka qabsoomay sanadkii hore.
Madashu waxay aamminsan tahay in ku noqoshadii habka 66 xildhibaan ka dhigan tahay in wax ka beddelkii Dastuurka Puntland uu meesha ka baxay iyo in loo baahan yahay hab la isku raacsan yahay oo awood-daadejin iyo isla xisaabtan abuura. Xubnaha Madashu waxay sidoo kale k doodayaan goobta uu ka dhici doono shirweyne.
© Puntland Post, 2024
You must be logged in to post a comment.