Xamaas oo soo bandhigtay muuqaalada askar Israa’iil ah oo ay qabteen

Ciidamada Israa’iil ayaa sabtidi shalay sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada ay ka wadaan koofurta iyo bartamaha Gasa, iyada oo dhanka kalana ay soo baxayaan warar sheegaya in todobaadkan dib loo amba-qaadi doono wadahadallada lagu raadinayo xabbad-joojin ka dhaqan gasha marinka Gasa.

Weeraradi ugu danbeeyay ee ay ciidamada Israa’il ka fuliyeen Gasa shalay iyo xalay ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ku amartay Israa’iil in ay si deg deg ah u joojiso duullaanka ay ku qaadday magaalada Rafax ee marinka Gasa.

Rafax oo ku taalla xadka Gasa ay la wadaagto Masar ayaa waxaa ku nool inta badan qaxootiga iyo barakacayaasha Gasa, inkasta oo ay dhawaan dib uga carareen ku dhawaad 900 kun oo ruux.

Dhanka kale afhayeenka kooxda iska caabinta Qasa Abuu Cubayda oo hadal ka jeediyey telefishinka Al-jazeera ayaa ku dhawaaqay inay qabteen askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, iyagoo soo bandhigay muuqaal askari mayd ah oo ku jiidayaan godadka ay ku leeyihiin Qasa .

PUNTLAND POST