
Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa, Xisbullah iyo Lubnaan ayaa tan iyo galinkii dambe ee maanta weerarro gantaallo ah ku qaaday deegaannada ay Israa’iil haysato ee Tel Aviv iyo magaalooyinka ku yaalla koonfurta iyo waqooyiga.
Tan ayaa ka dhigaysa muddo bilooyin kaddib markii u horreysay oo weerarro wadajir ah ay kooxahan ku qaadaan Israa’iil, iyagoo gantaallo ka soo ridaya Qasa iyo koonfurta Lubnaan.
Sagaal bilood oo dagaalka uu socdo, waxay kooxahan wali awood u leeyihiin in ay weerarro gantaallo ah ku qaadaan Tel Aviv iyo guud ahaan magaalooyinka Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.