Maxay tahay digniinta cusub Mareykanka ee Muqdisho?

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay heshay xog cusub oo ku saabsan halis ku aaddan magaalada Muqdisho oo dhici kara maalmaha soo socda.

Mareykanka ayaa ka digay baabuur qaraxyo ah oo ka dhici kara dhowr goobood oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Mareykanka.

Mareykanka ayaa hakiyay shaqada safaaradiisa Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqa shaqaalihiisa, wuxuuna sheegay in aan Soomaaliya loo safri karin oo ay tahay meel aan amnigeeda sugneyn.

Mareykanka ayaa bil ka hor sidaan oo kale xadiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaddib markii uu helay xogo amni oo ku saabsan weeraro Al-shabaab qorshaynayeen in ay ka geystaan Muqdisho.

Digniinaha Mareykanka ayaa inta badan waxaa xiga weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan ahayn goobaha laga digay.

PUNTLAND POST