
Ku-simaha ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka kaalmaynta ee UNSOM, James Swan ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dhisidda guddi farsamo oo u jeedkiisa shaqo uu yahay unkidda xafiis Qaramada Midoobay ku yeelato dalka sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ergayga cusub ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta tagey Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayo sidii Soomaalida looga taageeri lahaa nabadgalyada, horumarka iyo dawlad dhiska.
Swan, ayaa horey Soomaaliya u joogay iyadoo ay ka dhacayaan isbedelo siyaasadeed oo jawi doorasho ah, 2012-kii, 2017 & 2022-kii oo uu maareeyay dhammaan doorashooyin dad-ban. Imaanshihiisa ayaa ku soo beegmaya xilli aysan siyaasiinta Soomaalidu heshiis ku ahayn doorashada 2026-ka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.