Howlgal ajnabi ka qaybqaatay oo ka dhacay buuraha Calmadow ee Puntland

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Al-shabaab isku aruursanayeen oo ku taalla buuraha Calmadow ee Puntland.

Howlgalka oo aan la xusin xilliga uu dhacay ayaa la sheegay in lagu laayay in ka badan 20 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan saddex horjooge, tiro intaas ka badana lagu dhaawacay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hadasho howlgal ka dhacay Puntland oo ka dhan ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, xilli uu jiro khilaaf aad u sarreeya oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.

Dowladda Puntland oo muddo dheer Al-shabaab iyo Daacish kula dagaalamaysay buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat ayaa weli si rasmi ah uga hadlin howlgalkan.

PUNTLAND POST