Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST