Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay saraakiil ku eedaysanaa musuqmaasuq

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada xukunka 12 eedaysane oo ka tirsanaa gaya’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya sida haya’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe.

Maxkamada ayaa sida ay sheegtay wax dambi ah ku wayday eedaysanayaasha kala ah:

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey).

Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka.

Cismaan Xasan Cosoble ka tirsan Hay’adda Socdaalka

Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsanaa Hay’adda Socdaalka.

Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maxakamadda ayaa hay’adihii ay ka tirsanaayeen eedeysanayaashan amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.

Sidoo kale Maxkamada ayaa xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaasha kala ah:

Maxamed Ibraahim Axmed oo ka tirsan Haya’adda Socdaalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda 4 sanno oo xarig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladeed ah si joogto ah.

Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sanno oo xarig ah.

Maxamed Xuseen Nageeye kana tirsan Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda waxay maxkamaddu ku xukuntay 2 sanno oo xarig ah.

Cabdullaahi Daahir Weheliye kana tirsan Bangiga dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xarig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladeed si joogto ah.

PUNTLAND POST