
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wuxuu walaac ka muujiyay ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS oo uu sheegay inay halis galinayso ammaanka gobolka.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ka dalbaday Mareykanka inay gacan ka gaystaan taageerrada ammaanka ee gobolka geeska Afrika.
Ruto, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh kulan uu la qaatay ka hor socdaalkiisa Mareykanka ay ka wada-hadleen khatarta ka dhalan karta dhimista ciidanka ATMIS, iyadoo aan lagu saleyn xaaladda taagan.
Mareykanka ayaa kor u qaadaya heerka iskaashiga ee Mareykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba, kadib markii Madaxweyne Biden uu dhiggiisa Kenya William Ruto uu khamiistii ku soo dhaweeyay Aqalka Cad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.