
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;
- Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
- Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
- Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
- Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
- Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadkana looga wacyigelin lahaa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.