
Wadamada Ireland iyo Spain ayaa doonaya inay isku mar maanta ku dhawaaqaan qorshayaasha lagu aqoonsanayo dawladda Falastiin si loo soo afjaro dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo-warbaahineed maxalli ah ayaa xaqiijisay in maanta oo arbaca ah ay dawladahaasi ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga dawladda Falastiin.
Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii 2023-kii waday olole diblumaasiyadeed oo uu ku doonayo in uu dalalka reer galbeedka uga dhaadhiciyo in ay aqoonsadaan dowladda Falastiin si loo soo afjaro colaadda ka taagan bariga dhexe, iyadoo la eegayo dagaalka Israa’iil ee Gasa.
Falastiin waxaa hadda aqoonsan 8 xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub: Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.