Garoowe oo loo samaynayo ciidan gaar ah oo amnigeeda suga

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto  Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ciidan gaar ah oo ka shaqeeya amniga loo samaynayo magaalada caasimada ah ee Garoowe.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in madaxwenaha iyo hay,adaha amniga ay go’aamiyeen in ciidan gaar caasimadda loo sameeyo.

Taliyaha ayaa sheegay in habac sanaan ay ka jirto amniga caasimadda Puntland, isagoo tilmaamay in dhawaan ay hawlgalo ka bilaabi doonaan ciidanka loo diyaarshay.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa mudooyinkii danbe laga dareemayey falal ka dhan ah amniga, iyadoo kal hore gawaari shacab lagu dhacay.

PUNTLAND POST