Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Khamiista toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tagaya Aqalka Cad, halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Tan ayaa ka dhigtay Ruto, hoggaamiyihii u horreeyay ee Afrika oo Aqalka Cad lagu soo dhaweeyo tan iyo 2008-dii, waxaa kalo uu noqonaya madaxweynihii u horreeyay ee Kenya oo muddo ka badan labaatan sanno lagu qaabilo Aqalka Cad.
Biden ayaa sidoo kale markii u horreysay hoggaamiye Afrikan ah ku qaabbilaya Aqalka Cad, tan iyo markii uu xilkan qabtay, waana muujin uu Mareykanka ku soo bandhigayo iskaashiga uu la leeyahay Kenya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.