Gaari waxyaabaha qarxa iyo hub u siday Al-shabaab oo la qabtay

Gaari Leylo ah oo la sheegay inuu Al-shabaab u siday hub, daawo iyo saanad kale oo ciidan ayaa maanta lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka la sheegay inuu Khawaarijta u siday.

Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

PUNTLAND POST