Dawladda Iran oo xaqiijisay geerida madaxweyne Ebrahim Raisi

Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay inuu geeriyooday Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ay weheliyeen 7 xubnood oo kale, sida u sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee Arrimaha fulinta, Mohsen Mansouri.

Si la mid ah, telefishinka dawladda Iran ayaa xaqiijiyay inuu madaxweyne Raisi ku geeriyooday shilka diyaaradeed.

Sida ku cad qodobka 131 ee Dastuurka Iran, ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha Iran, Mohammad Mokhber ayaa si ku meel gaar ah ula wareegaya xilka Raisi isaga oo ogolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare.

Golaha sare ee Iran ayaa diyaariya doorashada madaxweynaha cusub 50 maalmood gudahood.

PUNTLAND POST