Diyaarad uu saarnaa madaxweynaha Iran oo burburtay

Warbixinnadii u horreeyay ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo uu la socday madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi inay si xun ugu dhacday goob aan wali la aqoonsan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka  Reuters oo xiganaysa telefishinka qaranka Iran.

Wargayska Fars News ayaa dhankiisa ku  warramaya in uu lumay xiriirkii diyaarada helicopter-ka ah ee waday madaxweynaha Iran.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in madaxweyne Raisi uu saarnaa diyaaradda, kooxaha samatabbixintana aysan wali ogaan goobta shilku ka dhacay sababo la xiriira cimilada oo xun.

PUNTLAND POST