Puntland oo sagootisay ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Maxamed Baari, guddoomiye ku-xigeenka labaad Maxamed Maxamuud Ciise, xubno ka mid ah Golaha xukuumadda iyo xubnaha ururada bulshada Puntland.

Ambassador Catriona Laing ayaa lagu maamusay bilad sharaf iyo hadyado dhaqan oo uu guddoonsiiyey madaxweynaha Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

PUNTLAND POST