War-murtiyeed: Shirka madaxda DG iyo DF oo la soo gebogabeeyey

Shirka madasha wadatashiga oo mudo sadex maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda shirka ka qaybgashay ayaa isku raacay in si wadajir ah looga qaybqaato la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana la laba jibaaro gulufka ka dhanka ah kooxdaas.

Sidoo kale waxay isku raaceen in la dhameystiro dastuurka dalka, iyagoo ka codsaday baarlamaanka in ay ansixiyaan cutubyada harsan.

Shirku wuxuu ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay roobabka xoogan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

Hoos akhriso war-murtiyeedka.

PUNTLAND POST