
Nolosha Ra’isul Wasaaraha slovakia Robert Fico ayaa la sheegay in aanay hadda khatar ku jirin kaddib markii dhowr xabadood lagu dhuftay, sida uu sheegay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalkaaß.
Tomas Taraba ayaa war fidiyeenka u sheegay in qaliinkii lagu sameeyay Fico uu si wanaagsan u dhacay, ‘’Inta aan ka ogahay, qaliinku si wanaagsan ayuu u dhacay, aakhirkana waxaan rajeynayaa in uu badbaadi doono” ayuu yiri.
Arbacadii, Mr Fico illaa shan jeer ayaa la toogtay, si xun ayuuna u dhaawacmay, iyadoo isku daygu ahaa in la khaarajiyo, eedeysanaha looga shakisan yahay weerarka ayaa isla goobta lagu xiray magaalada yar ee Handlova.
Toogashada kaddib ayaa Fico waxaa loola cararray isbitaalka, halkaas oo dhawr saacadood lagu sameynayay qaliin ‘’naftiisa lagu badbaadinayay’’ sida laga soo xigtay wasiirka gaashaandhiga Robert Kalinak oo ka hadlayay shir saxaafadeed lagu qabtay dibadda isbitaalka lagu daweynayay Ra’iisul Wasaaraha arbacadii.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.