Madaxweynaha Ruushka oo booqasho labo maalmood ah ku tagay Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagay Shiinaha, isagoo maanta kula kulmaya Beijing dhiggiisa Xi Jinping oo ay ka wada-hadlayaan xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Booqashadan oo noqonaysa middii ugu horreysay oo Ruushka uu uga baxo Putin, tan iyo markii dib xafiiska loogu dhaariyay, wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta Shiinaha  in Kremlin-ka uu diyaar u yahay inuu ka xaajoodo colaadda Ukraine.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri “waxaan u furannahay wadahadal ku saabsan Ukraine, laakiin wadahadallada noocan oo kale ah waa inay tixgeliyaan danaha dhammaan dalalka ku lugta leh iskahorimaadka oo ay ku jiraan annaga”.

Weligay ma diidin inaan wada hadalno, waxaan raadineynaa xal dhameystiran, waara oo cadaalad ah oo khilaafkan lagu dhameeyo hab nabadeed” ayuu hadalkiisa raaciyey Putin.

PUNTLAND POST