Ra’iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay

Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico ayaa lagu toogtay bannaanka guriga dhaqanka ee magaalada Handlova oo ku dhow caasimadda dalkaas.

Nin hubaysan ayaa ku dhuftay afar xabbadood, waxaana lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, iyadoo laga dayrinayo xaaladiisa caafimaad.

Saraakiisha ammaanka Slovakia ayaa sheegay in la xiray qof lagu tuhmayo inuu toogashadan ka dambeeyay.

PUNTLAND POST