Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo go’aan ka gaaraysa kiisa Sayid Cali

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka soo saareysa kiiska eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ku eedeeyay in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay maalmo kadib dhaawacii ka soo gaaray dabka.

Ilaa afar fadhi ayay ka yeelatay maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu dhageystay qareenada difaacayay, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal maxkamadda ay dalbatay.

Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Banaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud, racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas, waxaana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST