
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doona xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.
James Swan ayaa si ku meel gaar ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii dawladda Soomaaliya ay codsatay in la badalo Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.
James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.
Ka hor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.